Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale u ambabaxay furimaha dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa garay deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeellada dhexe.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha hoggaamisa Ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ka dhagaystay qorshaha waqtiga kooban ee Khawaarijta looga xoreynayo deegaannada haray.

Madaxweynaha ayaa sidan oo kale sanaddii aynu kasoo gudubnay in muddo ah ku sugnaa furimaha dagaalka ee dalka lagaga xoreynayo khawaarijta, markaas oo ay ciidamadu ka gaareen dagaalka ka dhanka ah argagixisada guulo fara badan.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *