Dibadbaxyo ruxay inta badan magaalooyinka waaweyn ee Kenya

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda Kenya ayaa ruxay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya, iyadoo dhalinyarada mudaaharaadaya ay muujinayaan inaysan ku qanacsanayn dowladda Kenya iyo habka ay u wajahday cabashadooda

Dibad-baxayaal ayaa isugu soo baxay waddooyinka bartamaha magaalada Nairobi, iyagoo wata boorar isla markaana ku qaylinaya erayo ka dhan ah dowladda, sida ay baahiyeen warbahainta gudaha Kenya.

Ciidamada ka hortagga rabshadaha ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dad ku bannaanbaxaya baratamaha magaalada Niarobi, si ay ukala eryaan.

Mudaaharaadyadu magaalooyinka ay ka socdaan waxaa ka mid ah Mombaasa iyadoo mudaaharaadayaashu ay xireen wadado weyn oo bartamaha magaalada marta, waxaana ay joojiyeen isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha.Dhalinyaro badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka Mombaasa

Mudaaharadyo kale ayaa ka socda ismaamullka Migori iyada oo mudaharaadayaashu ay dab qabadsiiyeen cagaha gawaarida ama taayarada waxaana ay gooyeen waddooyinka qaar.

Inkastoo madaxweynaha Kenya William Ruto uu sheegay in uu meesha ka saaray sharciga maaliyadda ee horseeday bannaanbaxyadaan, haddana waxaa muuqata in weli dibadbaxayaashu aaney ku qanacsaneyn tallaabada dowladdu ay qaadday.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *