Cudurka shuban biyoodka oo 20 qof ku dilay degmada Baraawe

In ka badan 20 qof ayaa u dhintay qaar kalena way la il daran yihiin xanuunka shuban biyoodka oo ka dillaacay magaalada Baraawe iyo tuulooyinka u dhow, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha hay’adda maareynta masiibooyinka Soomaaliya oo halkaasi gaaray.

Dadka ugu badan ee qaba xanuunka ayaa xaaladdooda lagula tacaalayaa isbitaalka magaalada Baraawe, iyadoo ay kordheyso tirada dadka ee shubanka uu soo ridanayo.

Gudoomiyaha hay’adda maareynta masiibooyinka ee Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ku baaqay inay xaalad degdeg ah oo gurmad u baahan ay ka jirto degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *