Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay weerareen afar markab oo ku sugnaa dekedda Haifa ee Israa’iil

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay subaxnimadii hore ee Axadda inay qaadeen hawlgal milateri oo ay si wadajir ah u fuliyeen kooxda iska caabinta Islamka ee ka dagaalanta dalka Ciraaq, kaasoo lagu beegsaday afar markab oo ku sugnaa dekedda Haifa ee waqooyiga Israa’iil.

Afhayeen u hadlay militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree, ayaa hadal laga sii daayay telefishinka ku sheegay in labada kooxood ay Sabtidii shalay weerar diyaaradeed ku qaadeen labo booyad oo shamiito ah iyo labo markab oo kuwa xamuulka qaada ah oo marayay dekedda Haifa.
Waxa uu sheegay in maraakiibtaasi ay leeyihiin shirkado “jabiyey xayiraadii lagu soo rogay dekedaha la haysto ee Falastiin”.

Milateriga Israa’iil si degdeg ah ugama hadlin, inkastoo ay hore u beeniyeen sheegashada Xuuthiyiinta horraantii bishan.

Saree waxa kale oo uu sheegay in Xuutiyiintu ay weerar ku qaadeen Marinka Shorthorn Express ee Badda Mediterranean-ka iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo qayb ka ah ololaha ay kooxdu ku doonayso inay ku carqaladayso maraakiibta mara marin-biyoodka muhiimka ah, taasoo ay ku sheegeen inay tahay fal ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta dagaalka Gaza.

“Labada hawlgal waxay ku guulaysteen ujeeddooyinkoodii, weerarraduna waxay ahaayeen kuwo sax ah oo toos ah,” ayuu yidhi Saree.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *