Xubno ka tirsan Alshabaab oo isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay ayaa maanta waxaa isku soo dhiibay Cali Xasan Cali oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cali dheere) iyo Maxamed Cabdullaahi Cali oo muddo ka mid ahaa khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa deegaannada Koofur galbeed.

Cali Xasan Cali ayaa khawaarijta ka tirsanaa 12-sanno, isagoo ka soo qeyb-qaatay dagaalada ay kooxdu ku jirto halka Maxamed Cabdullaahi Cali uu isna kaga biiray argagixisada deegaanka 20-jirow wuxuuna u qaabilsanaa baada shacabka ku nool gobolka Baay.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayey maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha iska soo dhiibaya khawaarijta.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *