Shirka Xoojinta Iskaashiga dalalka EAC oo Muqdisho ka furmay

Shirwaynaha xoojinta iskaashiga ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa looga hadlayaa sidii soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd ku biirista ururka dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika,waxaana daahfuri doono shirka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wasiirro,xildhibaanada labada Aqal ee BJFS,safiirada wadamada caalamka,Madaxda Jaamacadaha dalka iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka.

Soomaaliya ayaa Ururka Bulshada Bariga Afrika ku biirtay bishii march ee sanadkaan kana noqotay xubin buuxda.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *