Roob saacado badan da’ayay oo burbur u geystay qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho

Saacadihii la soo dhaafay roob xoog leh oo ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa keenay in ay go’aan wadooyin dhawra, waxana culeys weyn ku yimid isu socodka gaadiidka dadweynaha.

Wadooyin badan ayuu roobku biyo dhigay, halka kuwa kale uu burbur u geystay.

Qiimaha lagu raaco gaadiidka ayaa kordhay, waxana yar gaadiidka dadweynaha ee shaqeynaya.

Imtixaanaadka dugisyada sare ee socda ayaa saacad dib loo dhigay magaalada Muqdisho roobka da’aya dartiis.

Suuqyada waaweyn iyo mehradaha ganacsiga ayaa badidood xirnaa maanta, lamana soo werin khasaare nafeed oo ka dhashay roobka da’aya.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *