Ra’iisul Wasaaraha Netherlands oo la filayo inuu noqdo madaxa NATO

Ra’iisul Wasaaraha dalka Netherlands Mark Rutte, oo ka mid ah xulafada aadka ugu dhaw Ukraine, isla markaana si adag u daleeceeya madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa lagu wadaa in uu noqdo madaxa Xulafada NATO.

Rutte oo baddali doona hogaamiyaha NATO ee xilligaan Jens Stoltenberg ayaa taageeradi ugu danbeysay ka helay dowladaha Hungary iyo Slovakia.

Isaga oo ka barbar hadlayay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken oo uu kula kulmay Washington D.C, ayuu Stoltenberg ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama inkiro warkan.

Xoghayaha guud ee NATO ee soo socda ayaa wajihi doona caqabado ay ka mid yihiin joogtaynta taageerada xulafada Ukraine ee dagaalka uu kusoo qaaday Ruushka, iyadoo la iska ilaalinayo xiisad kasta oo keeni karta in xulafada militariga ay si toos ah dagaal ula galaan Moscow.

Muddo xileed 10 sano qaatay oo uu jagada NATO hayay Stoltenberg ayaa ku eg 1-da bisha October. Wuxuu xafiiska qabtay sannadki 2014-ki, bilo yar kaddib marki uu Ruushka qabsaday gobolka Crimea.

Tan iyo marki uu xilka qabtay Stoltenberg, waxaa NATO ku biirtay afar waddan oo kal ah Montenegro, North Macedonia, Finland iyo Sweden.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *