Muqdisho lagu qabtay xuska maalinta qaxootiga Adduunka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu xusayey maalinta qaxootiga Adduunka.

Munaasabadda waxaa soo agaasimay Hay’adda Qaxootiga Soomaaliya waxaana kasoo qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda DFS, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Wakiilo kale oo caalamka ka socday.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa sheektay in dowladda Soomaaliya ay Masuuliyad gaar ah iska saartay xaquuqsiinta Qaxootiga ku sugan gudaha dalkeena.

Guddoomiyaha ayaa hay’addaha kala duwan ee dowladda ku ammaantay sida ay u daadajiyaan Sharciyadda Hay’adda si Qaxootiga iyo Barakacayaashu u helaan kaabayaasha ay xaqa u leeyihiin.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *