Munaasabad lagu xusayey Madaxweynihii hore ee dalka Aadan Cabdulle oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde)

Madaxweynaha oo Aadan Cadde ku tilmaamay aasaasihii dowladnimada Soomaaliya iyo hoggaamiyihii dimuquraadiyadda Qaradda Afrika ayaa sheegay in dowladdu ay hirgalindoonto Maktabad lagu kaydiyo taariikhda iyo wax qabadkii Madaxweyne Aadan Cadde oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee si nabad ah oo dimuquraadi ah xukunka ku wareejiyay.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *