Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland oo gaaray degmada Badhaadhe ee laga xoreeyey Alshabaab

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowladda Jubaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta booqday deegaanadii u danbeeyay ee Degmada Badhaadhe ee laga xoreeyay Khawaariijta.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay wafdigiisa kamid ahayeen masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda ayaa goob fagaare ah oo ku taala deegaanka BuuloXaaji kula hadlay dadweynaha deegaanka.

Waxaa Madaxweyne ku xageenku uu uga mahad celiyay dadka deegaanka sida ay usoo dhaweeyeen Ciidamada geesiyada ah isla markana ay diyaarka ugu yihiin inay ku noolaadan nolol bilaa cabsi ah kadib markii deegaankan laga saaray Khawaariijta mudada dheer guumaysiga ku haysay dadka deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa balan qaaday in hay’adaha kala duwan ee Dowladda ay sida ugu dhakhsiyaha badan uga howlgali doonaan sidii loo hirgalin lahaa goobo loogu adeego dadka deegaanka gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada iyo biyaha.

Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool goobaha wali ciidamadu ay ku wajahan yihiin inay u diyaar garoobaan soo dhawaynta wiilashooda nafta u huraya sidii nabad iyo cabsi la’aan ay ugu noolaan lahayeen.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *