Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo dhagaxdhigay Garoon Kubadda Kolayga lagu ciyaaro

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cisman Lugatoor ayaa dhagax dhigey Garoonka Kubada Kolayga oo ay maal-gelinayso Hay’adda GIZ ee Jarmalka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo dedaal badan gelisay sidii loo hirgelin lahaa Garoonka iyo dowladda hoose ee Garoowe oo dhulka ku deeqday.

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Hay’adda GIZ mashaariicda horumarineed ee ay ka wado Puntland, isaga oo ku booriyey inay sii xoojiyaan.

Dhagax-dhiga waxa ka qayb galay Wasiirada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Hodan Siciid, Duqa Caasimada Puntland Cabdiqaadir Maxamed (Geedi) iyo masuuliyiin ka socday Hay’adda GIZ.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *