Madaxweynaha Puntland oo daahfuray Kalfadhiga 54aad ee Golaha Wakiilada DPL

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta furay Kal-fadhigga 54-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland .

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga aheyd uga hadlay Waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda intii u dhexeysay labada Kalfadhi iyo qorsheyaasha waxqabad ee u yaalla Xukuumadda , wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimaha Federaalka isagoo ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud in laga laabto go’aanka lagu soo qufayo Qabuuraha magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid , Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Golaha Garsoorka, Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland , Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Saraakiil Madaxtooyo, Isimada Dhaqanka , Ururada Bulshada iyo marti sharaf kale .

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *