In ka badan 14 ruux oo sanadkan ku dhintay iyagoo gudanaya acmaasha Xajka

Ugu yaraan 14-qof oo u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay kuleyl xooggan oo ka dhacay dalka Sacuudiga, xilli ay ku guda jireen gudashada waajibaadka Xajka, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa sheegtay in 14 ka mid ah muwaadiniinteeda ay dhinteen “kadib markii ay la soo darseen xanuunno ka dhashay kulaylka ba’an” waxaana la sheegay in 17 kale la la’yahay.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP, hay’adda bisha cas ee Iran ayaa xaqiijisay in 5 xujey Iraniyiin ah ay sidoo kale naftooda ku waayeen, balse ma aysan cadeyn sida ay u dhinteen.

Saraakiisha Urdun ayaa sheegay in ay socdaan baadigoobka dadka la la’yahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa lagu sheegay in ay maamulka Sacuudiga kala shaqeyneyso habraaca loo aaso ama loo daabulo meydka dadka dhintay iyada oo la raacayo rabitaanka qoysaskooda.

Baraha bulshada ayaa lagu arkayay muuqallada tiro xujey ah oo sanadkan ku geeriyooday xaramka iyaga oo la maamusayo isla markaana si nidaamsan loogu aasayo gudaha Sacuudiga.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *