Heshiiska cusub ee Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka ayaa ku baaqaya gargaar militari oo degdeg ah haddii lagu soo duulo

Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka ayaa ku heshiiyey in ay bixiyaan gargaar milatari oo degdeg ah haddii midkood uu la kulmo gardaro hubaysan, sida ku cad qoraalka buuxa ee heshiis taariikhi ah oo ay soo saartay Pyongyang Khamiista ka dib booqasho uu ku tagay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Kuuriyada Koonfureed ayaa ka jawaabtay shir deg deg ah oo ay isugu yeertay golaha ammaanka qaranka, waxayna sheegtay inay hadda ka fiirsan doonto inay hub u dirto dalka Ukraine oo ay horay u diiday.

Saacado ka dib markii uu Putin u dhoofay Vietnam, warbaahinta dawladda Waqooyiga Kuuriya ayaa daabacday “Heshiiska Iskaashiga Istiraatijiyadeed ee Dhameystiran”, kaas oo dhaqangal ah soo nooleynaya heshiis is-difaac oo dhacay 1960-kii.

Heshiiska, oo Putin iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ay saxiixeen Arbacadii, sidoo kale waxaa ku jiray iskaashiga tamarta nukliyeerka, sahaminta hawada sare, amniga cuntada iyo tamarta, waa mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu sarreeyay ee Aasiya ee Moscow ay qaado muddo sanado ah. Putin ayaa bishii hore booqday Shiinaha, wax yar ka dib markii loo caleema saaray markii shanaad ee madaxweynenimada.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *