Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka iyo Hay’adda Qatar Charity oo heshiis wada saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka,Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu heshiis istiraatiiji ah kula saxiixday Guddoomiyaha Hay’adda Qatar Charity Xafiiskeda Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Macallin.

U jeedka heshiiskaan ayaa ah in laga wada shaqeeyo ka soo kabashada dhibaatooyinkii ka dhashay musiiboyinka,u adkaysiga aafooyinka, xoojinta gargaarka bini’aadamnimo, tayeenta awoodaha shaqaalaha hay’adda SoDMA iyo in laga tageero helista keydad gargaar oo ay hay’adda ka dhisanayso Dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah heshiiskaan in Qatar Charity iyo SoDMA ka saacido helitaanka agabka gurmadka deg-deg ah,qalabaynta xarunta qaran ee howlgallada,in wadajir la iskaga kaashado ka jawaabista Xaladaha ay sababeen Musiibooyinka,waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda, Agaasimayaal iyo Masuuliyiin kale.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *