Waxaa Xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Puntland ka qabsoomay shir u dhexeeyey, Guddigga Doorashooyinka iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiye K/X Guddiga ahna ku simaha Guddoomiyaha Mudane Ahmed Mohamoud Omar, waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin matalayey:
- 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙍𝙪𝙣𝙘𝙖𝙙
- 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙈𝙪𝙨𝙩𝙖𝙦𝙗𝙖𝙡
- 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙈𝙞𝙙𝙚𝙚𝙮𝙚
- 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙎𝙝𝙖𝙦𝙖𝙖𝙡𝙖𝙝𝙖
- 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙎𝙞𝙣𝙘𝙖𝙙
- 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙆𝙖𝙖𝙝
- 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙃𝙤𝙧𝙨𝙚𝙚𝙙
- 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙄𝙛𝙞𝙮𝙚
kulanka oo isugu jiray is xogwaraysi iyo isla meeldhigida shaqooyinka socda ayaa Guddoomiyaha Guddiga waxa uu Masuuliyiinta shirka kasoo qaybgashay warbixin guud ka siiyey hawlaha u qabsoomay, shaqooyinka socda iyo kuwa qorshaysan, inta uu shirku socday sidoo kale waxa ay Mudanayaasha kasoo qaybgalay kulanka si fiican uga doodeen socod siinta hawlaha doorashada 3-da Degmo ee Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan.
Waxaa shirka ka soo baxay layslana qaatay :
- In la dar dargeliyo shaqooyinka maalinlaha ah ee Doorashooyinka
- In wixii arimo farsamo ah ee jira Xisbiyada iyo Guddigu ka wada shaqeeyaan laguna dhexsaxo inta shaqadu socoto
- Shirku wuxuu islaqaatay muhiimada ay leedahay in dawladdu ay qaadato doorkeeda arimaha dhamaystirka 3-da Degmo, fududaysana tasiilaadka ay u baahantahay.
Ugu danbayn shirka oo ahaa mid mira-dhal ah wuxuu ku soo dhamaaday jawi degan iyo is af-garad buuxa, waxaana loo balamay in lasii joogteeyo shirarka Xisbiyadda iyo Guddiga si looga mira-dhaliyo hanaanka Dimuqraadiyadda ee Puntland qaadatay.
Garowe Post