Ciidamada ATMIS oo ciidanka Soomaaliya ku wareejiyay saldhigga Bariire

Ciidamada ATMIS ayaa shalay bilaabay wajiga saddexaad ee dhimista ciidankooda iyadoo saldhigga Bariire ku wareejisay Ciidanka Soomaaliya.

Sareeye Guuto Anthony Lukwago Mbuusi, Taliyaha Guutada Ciidanka Uganda ee ATMIS, ayaa si rasmi ah saldhigga ugu wareejiyey Gaashaanle Muxiyadiin Axmed oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay saraakiil sar sare oo ka tirsan ATMIS & Ciidanka Soomaaliya.

Wajiga saddexaad ee dhimista ciidanka ATMIS ayaa waafaqsan Qaraarrada Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigoodu yahay 2628 (2022), 2670 (2022), & 2710 (2023), kuwaas oo lagu doonaya ATMIS inay ciidankeeda dhinto 4,000 oo askari dhammaadka bisha Juun ee 2024.

Wajiga saddexaad ayaa daba socoda dhammaystirkii najaxay ee labadii waji ee hore, kuwaas oo la soo gunanaaday bilihii Juun 2024 iyo Jannaayo 2024, xilligaas oo ATMIS ay ciidankeeda dhintay 5,000 oo askari isla markaasna 17 saldhigyo hore ku wareejisay muddadaas .

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *