Baarlamaanka Puntland oo yeeshay fadhiga 2aad ee Kalfadhigooda 54aad

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad, Maxamed Baari Shire iyo ku xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL, oo ay soo xaadireen 49 Mudane.

Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen ajandaha rasmiga ah 54-aad ee Goluhu ka shaqeyn doono, mudada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad (faqrada 4-aad) ee Xeer-hoosaadka, kaas oo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan Axada berri ah.

Maalinta berri ah oo taariihdu tahay 23/Juun/2024 oo Mudanayaashu yeelan doonaan fadhiga 3-aad ayaa si rasmi ah loogu qaybin doona ajandaha maanta la ansixiyey, hadii Alle idmo.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *