Axmed Saxane oo ay toogteen ciidamada Puntland ayaa galabta lagu aasay caasimadda Garoowe

Waxaa galabta magaalada Garoowe lagu aasay Axmed Saxane Cabdi oo ay dhowaan toogteen ciidamada horumarinta caasimadda Garoowe, kuwaas oo muddooyinkii dambe hawgalo ka wadey magaalada.

Marxuumka oo kamid ahaa dareewalada mooto bajaajta ayaa habeenkii Jimcaha ku dhintay xabado ay rideen ciidamada dowladda, waxaana talaabadaasi cabasho ka muujiyey ehelada marxuumka oo diiday inay meydka aasaan.

Muddo dhowr cisho kadib ehelka marxuumka ayaa sheegay inay madaxda dowladda isku afgarteen in la aaso marxuumka, masuuliyadda dhacdadaasina dowladdu qaadatay, isla markaana bixinayso magtiisa.

Ciidamada horumarinta caasimadda Garoowe ayaa wadey hawgalada ilaalinta amaanka caasimadda iyo la dagaalanka mukhaadaraadka kadib markii ay soo bateen falalka amaandarro ee ay sababayaan kooxaha cabtoyda iyo khamiirlayaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *